Dugsiga magaalada purmerend

Dugsiga purmerend waa madraso ku taala magaalada purmerend (overwhere) islamarkaane loo aasaasay in caruurta iyo dhalanyarada lagu baro  Diintooda suuban  iyo dhaqankooda, waxaane la aasaasay sanadku marka uu ahaa 2011 .

Fasalka AA1 waa fasalka bilowga ee dugsiga purmerend islamarkaane ardayda dhigata fasalkan waxaa la siinayyaa ilaa 3 maado waxaana xooga loo saara barashada qorista iyo aqriska

1) Farbarasho  (BUUGA ALIF BA THA )

2) Praktijk les (oo ku saabsan diinta 

3) Aqris iyo qoris afka carabiga


Fasalka AA3 waa fasalka levelka Sarre  waana fasalka aad iyo aad xooga loo saarayo in ardayga diinta islaamka lagu baro islamarkaane lana siiyo sanadka koowaad kitaabka usuulu salaatha iyo barashada luqada afcarabiga si uu u fahmo quraanka iyo khudbooyinka jumcada.

1) Xifdinta Qur'aanka 

2)Barashada Afcarabiga iyo aqriska Niveau sarre  

3) Usuulu salaatha 

jadwal

Fasalka AA2 waa fasalka levelka dhexe waana fasal loogo talagalay in Ardayda lagu kobciyo fahanka diinta islaamka . islamarkaane lagu dadaalayo in ay quraanka kaligooda aqristaan ayna xifdiyaan.

1) Qur'aan 

2)Barashada aqrinta quraanka iyo qorista

3) maadooyinka islaamka 

الاوقات الصلاة في بورمريند

waqtiyada salaada purmerend